Monday, June 1, 2015

Sheeko: Qabri Qarannimo!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Waxaan dhashay iyada oo ifka joogta, waxba kama yaqaanno markaas oo caqli iyo cudud toona maan lahayn. Iyadu se waa ay i taqaanaa oo waxay igu darsatay diiwaan, dadkayga waxay u tahay udub dhexaad oo mar kasta iyada ayaa ay iska horaysiiyaan. Marmar danta iyo dawga saxda ah bay ku hagtaa, marna dulmi iyo dib u dhac bay u horseedaa. Ma dili kartid ee hadaad ku dedaasho dhaawaceeda ayaad
dawayn kartaa, iyadu se way awoodaa in ay dabin iyo dibindaabyo kugu riddo. Inta badan dadku haddii laga caayo way dagaalamaan oo waxay mudnaanteedu  u tahay muqadas. Meeqaam iyo meel sare se waa ay hubaan in aanay ku gaadhayn. Diintu dad aanay iskugu yeedhin ayaa ay iyadu durbaan u qaadataa. Dabka waxay kala qaataan inta doonaysa, inta diidana damiir laawe iyo doqon ayay u aragtaa. Danta iyadu ay rabto ayay dadka ku gaadhaa. Damiin iyo qof ay dabratay ayaa gacanta qabsada, isla markaana dugsada una haysta dayr iyo daryeel san. Marka ay doonto dirxi iyo daad ayaa ay ku noqotaa dawlad dhan. Daandaansiga iyo qabwayniduna waa waxay quudato. Cadaawad, caloolyaw iyo cataw ayaa ay la deris tahay. Iyada iyo lama kala ag waayo majlisyada qaadka lagu ruugo. Wakhti kasta waxbay dhaliilaysaa, waxbaa ay isku diraysaa, qolooyin baa ay u kala dabqaadaysaa  hadana daacad bay sheegataa. Dabka ay shido dambas mooyee wax kale waa ay adagtahay in ay kasoo hadhaan. Waa astaan dib u gurasho, waa astaan dulaysi, waa astaan dumin iyo colaadeed. Xadhig weeyi lama sitaan. Daalin iyo dad aan aqoon lahayn ayaa ka dhigta darajo. Waa mid aan hadal yarayn, caan ah, dal iyo dad kastaana yiqaano. Waa midi laba af leh, wanaag iyo waxsan waa loo adeegsan karaa, xumaan iyo hab khaldana waa loo hogaansan karaa.
Waayadii hore waxay ahayd waxa kaliya ee ay dadku iskugu iman jireen, isku dhexgali jireen, isku dili jireen, iskuna faani jireen oo faro, xaddi iyo awood ayaa ay isku sheegan jireen. Waxa ay sabab u noqotay intaas oo qof oo iyada magaceeda ku dagaalamayay. Dhanka kalena waxa ay ahayd wax la isku sooryeeyo ee abaal iyo amaanba la iskugu galo ama la iskugu gudo. Waxa ay wakhtiyadii hore lahayd dawladdo iyada u adeega oo hogaan iyo hab ay wax ku hagaan lahaa. Laguma qanacsanayn ee qolo waliba waa ay qawadi jireen. Waxa ay kala lahayd xuduuddo, waxa u kala suntanaa wax kasta, wax ay kala boobaan ama ay kala dhacaan mooyee waxba iskugumay jirin. Geesi iyo gabyaa u golongola mudnaanteeda may waayi jirin ee kolba mid baa u kacayay. Mid si san u sifeeya in aanay haboonayna oo dadka u sheegi jiray in ay tahay wax mugdiyana waa ay jireen wallow ay mucaarid u arkaysay iyadu. Waa mid dad badani ku maqan yihiin, waa mid duunyo badani ku burburtay, waa mid laga dhaxlay colaad iyo xifaaltan aan xad lahayn, waa mid aan ku darajaynayn inay ku dabarto mooyee. Waa wax aynu soo dhaxalnay sida aan kaga waramayana waa mid ku timid dhaxaltooyo.
Ilaa maanta waa mid aan gudhin oo irmaan, caano dikhaw ahna laga maalo guud ahaanba meelo badan. Waxay noqotay mid maalinba yeelanaysa waji cusub, waxay noqotay mid la casri-yeeyay oo la jaan qaadaysa jiilba jiilka ka dambeeya, waxay noqotay mid wax lawada leeyahay qoloba gaar qaybi ugu calaamadsantahay, waxay noqotay mid aanay duminin aqooni ee difaac iyo taageero ka heshay, waxay noqotay mid aan la qarsan oo muuq baahiye iyo meel kasta kasoo hadasha, waxa ay noqotay mid wax lagu doonto oo miisaan la saarto waxa laga soo qaato, waxa ay noqotay mid lagu doodo oo leh gadhwadeeno iyo shakhsiyaad u adeega danno gaar ah.
“Waan filayaa in ay dad badani fahmeen ujeedada waxyaabhaas aynu soo tibaaxnay oo dhan, hadda haddii aan idiin sheego se iyada aan sheekada ku bilaabayna waa “Qabyaaladda”. Subxaanalaah, Illaahay oo hiil usoo dira mooyee ma arko mana hayno hilinkii aynu ku tirtiri lahayn cawaaqib xumadda qabyaaladda. Waxa se aynu dabada haynaa hilin cadaabeed oo haddii aynu sidan kusii socono inoo horseedaya dib u dhac iyo qaran dumin.”
“Dugsi ma leh Qabyaaladdi, waxay dumiso mooyaane” Abwaan: C/laahi Suldaan Timacadde (AHN)
“Nin qabyaalad beertow, wanaag kuuma soo baxo” Abwaan: C/laahi Suldaan Timacadde (AHN)
Wabilaahi tawfiiq


W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Arday kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Hargeysa

E-mail: Xiinfiniin_10@hotmail.com

No comments:

Post a Comment