Wednesday, June 3, 2015

Maqaal: Saaqidiinta Saxaafadda!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Saxaafaddu ama guud ahaanba qaybaha kala duwan ee warbaahintu waxay magac iyo maamuusba leeyihiin marka ay hormuud u yihiin suxufiyiin bilaa turxaan ahi,  oo qalinkooda, kamaraddooda, rikoodhkooda iyo qalabkooda kale ee farsamo ama baahineed ay yihiin qaar aan u adeegayn dan shakhsi, mid qabiil, iyo mid xisbi toona, isla markaana ilaaliya karaamada mihnadda suuban ee saxaafadda iyo xayndaabka sharci ee dalka u yaalaba.

Suxufigu waxa uu suxufi yahay
marka uu buuxiyo shuruudaha suxufinimada, marka uu kala garanayo warka, warbixinta, faalada, isla markaasna aqoon u leeyahay noocyadda barnaamijyadda, qaababka barnaamij diyaarinta iyo qaybaha  waraysiyada ama xidhiidhinta dood xiiso iyo xaladba laga dheehdo. Suxufigu waxa uu kasbadaa dhagaha, waxa uu wax tusaa indhaha, waxa uu qanciyaa quluubta dadka uu wax u qorayo ama wax u tebinayaba marka uu noqdo mid aan ku suntanayn magac qabiil ama mid ay ka madhantahay eexi oo dhexdhexaad ka ah macluumaadka uu bulshada u gudbinayo, marka uu si hagar la’aana u tifatiro iskana hubsado waxa uu qorayo ama umadda u baahinayo,  waxa uu noqdaa suxufi magac leh oo la jecelyahay marka uu u ku dhaqmo diinta, ixtiraamo dhaqanka, u hogaansamo shuruucda iyo mabaadii’da mihnada Saxaafadda.

Suxufiga soo maray tababar la xidhiidha aqoonta Saxaafadda waan hubaa in tusaalaha ugu caansan ee marka laga waramayo ama la qeexayo yaa suxufi ah loo soo qaataa uu yahay; qofkastaa ma sheegan karaa dhakhtar, dhakhtar si aad u noqoto waa inaad leedahay aqoontii, tababrkii, iyo waayo-aragnimadii dhakhtarnimo. Haddii intaa aad lahaan waydo cidii xanuun kuula timaada waxa xaqiiq ah in aanad waxba ka qaban karayn daawaynta xanuunka dhibanahaas ama se waxaad u qori dawo aan ku haboonayn cabashadiisa, laga yaabana inay iyadu xanuun kale u horseedaba. Dhakhtarka un maaha, laakiin waxa sidaas oo kale ah dhammaan xirfadaha ama shaqooyinka u baahan aqoonta iyo waayo-aragnimada oo dhan, haday ahaan lahayd xirfadda duuliyenimada, markab wadista, injineeriyada, farsamooyinka gacanta iyo wax kasta oo la mid ah oo u baahan aqoon ama khibrad shaqo. Tusaale ahaan, waxaad ka fikirtaa nin sheegtay injineer oo lagu yidhi gurri noo dhis ma kula tahay in uu garan karo qaabka, qalabka, qiimaha, iyo wakhtiga la galin karo dhismahaas? Waan filayaa inay jawaabtu tahay maya. Sidaa si la mid ah waxaad ka fikirtaa haddii diyaarad nin duuliye ah oo aan waligii qaadan tababar duuliyenimo uu yidhaa waan kicinayaa diyaaradda rakaab badani saaran yahay. Ma kula tahay inay suurtogal tahay in lagu aamino ninkaas nolosha dadka raacaya diyaaraddaas oo dhan?  Adigu shakhsiyan se ma raaci lahayd haddii aad ogtahay in wadaha diyaaraddu uu yahay nin aan aqoonteedii lahayn? Jawaabteeda aan u dhaafo xagiina saaxiibayaal. Haye.
Waxaan ku kalsoonahay inaad ila fahamteen ujeedada aan tusaalayaashaas usoo qaatay, kuwaas oo inta badan marka la baranayo aqoonta mihnada Saxaafadda ah tusaalayaasha aasaaska u ah fahamka iyo qiimaha barashada culuumta mihnadda suxufinimo u leedahay bulshada iyo kaalinta ay ugu jirto sida dhakhtarkuba door muuqda ugaga jiro mujtamaca.
Bal hadaba waxaad ka warantaa suxufiga? Ma looga baahan yahay aqoontii Saxaafadda? Ma tahay suxufinimadu wax ay cid kasta iska sheegan karto, mise waa mihnad u gaar ah dadka waayo-aragnimadeeda ama aqoonteeda leh oo kaliya? Aan isku dayo inaan sida maankaygu qabo uga jawaabo su’aalahaas. Waa hagaag sidii aynu kaga soo warannay halka hore waa waajib in suxufigu lahaado aqoontii Saxaafadda isla markaasna ogyahay, fahamsanyahayna anshaxa iyo mabaa’diida guud ee Saxaafadda dalka iyo guud ahaanba caalamka ee la isla qaatay. Waa in suxufigu uu lahaado karti uu wax ku turjumi karo, wax ku tebin karo, isla markaana wax ku diyaarin karo, ha ahaato war, warbixin, faallo, Maqaal, barnaamijyo gaar ah iyo dooddo. Waa inuu suxufigu kala sooci karaa wixii war noqon kara iyo wixii warbixin noqon kara, waa in suxufigu uu lahaan karo khibrad ama takhasus gaar ah oo la xidhiidha aqoon uu bartay, tusaale ahaan inanka suxufiga ah ee jaamacad kasoo bartay cilmiga dhaqaalaha, waxa loo dhiibayaa barnaamijka dhaqaalaha, sababta oo ah wuxuu ogyahay qaabka uu u eekaanayo barnaamijkiisaasi. Sidoo kale inanka suxufiga ah ee soo bartay cilmiga beeraha, cilmiga xoolaha, cilmiga deegaanka iyo cilmi kasta oo leh barasho khaas ahba waa uu uga jaanis iyo waayo-aragnimaba badan yahay ka dhigiisa ah ee aan intaa midna aqoon u lahayn. Dhanka kale suxufiyiinta qaarkood ayaa looga dambeeya wixii taariikh ku saabsan ama wax lasoo dhaafay Wakhti hore, iyada oo lagu tix galinayo xogta uu ka hayo mawduucaas, laga yaabana inuu goob-joog u ahaa dhacdadaa uu ka warbixinayo.
Suxufiga iska qora ama ka warama wax aanuu fahamsanayn, isla markaana ku kaaba fikirkiisa shakhsi iyo siday isaga la tahay, wuxuu saamayn karaa xasiloonida meel dhan oo nabdoonayd markii hore, wuxuu kicin karaa dad badan oo maangaab ah, wuxuu galaafan karaa nolosha qof, qoys iyo Qaran dhanba. Wuxuu dili karaa magac qof aan eed lahayn, wuxuu noolayn karaa sumcad qof aan maamuus mudnayn, waxaana uu sababi karaa dagaalo ama iska horyimaadyo si dhakhso ah u baahi kara, waayo war oo dhami isaga oo dheereeya ayaa uu hadana warka xuni kasii raadayn iyo dhakhsaba badan yahay ka wanaagsan.
Suxufiyiinta waxa uu mar walba hadafkoodu yahay inay xaqiiqada ku saleeyaan waxa ay u tebinayaan bulshada si ay usoo gudbiyaan aragtiyo maddax banaan oo la xidhiidha dhacdooyinka ka dhacaya dalkiisa ama guud ahaanba caalamka iyaga oo aan ku ladhayn dareenkooda shakhsi iyo waxay aaminsanyihiin. Saxaafaddu waxa ay u shaqaysaa bulshada iyada oo ah mid dadka wax baraysa, wargelinaysa, ama madadaalinaysa.
Inta badan dhibka Saxaafaddu wuxuu u badan yahay aqoon darro xaga xeerarka dalka iyo ka anshaxa Saxaafadda ah oo aanay suxufiyiin badani fahamsanayn cawaaqib xumadda kaga soo noqon karta haddii uu warkiisa ama warbixintiisu ka hor timaado meel ka dhacna ku noqoto xuquuq kale oo shaksi bini-aadmi ahi leeyahay.  
Inkasta oo uu jiro xeer qabanaya suxufiga haddii uu ku kaco dambi, hadana si guud Saxaafadda waxa lagu maamulaa xeer u gaar ah oo ay iska leeyihiin iyaga iyo goobahooda warbaahineedba. Haddii aynu u nimaadno dalkeena Somaliland waxa jira xeer la yidhaa (xeerka Saxaafadda. xeer No.27) oo goleyaasha qaranku ansixiyeen, madaxweynuhuna saxeexay waa Daahir Riyaale Kaahine, isla markaana ay goleyaashu amreen cidda ay khusayso in ay dhaqangeliyaan xeerkan si waafaqsan mudada uu dastuurku dhigayo.
Markii ay golaha wakiiladu ansixinayeen xeerka waxay ku bilaabeen, Golaha wakiiladu markuu arkay: Qodobka 32aad, 38(4aad), iyo 39aad ee dastuurka qaranka, markuu darsay si qoto dheerna uga dooday dulucda mashruuc-sharciga Saxaafadda ee xukuumaddu soo gudbisay, curfiga duwaliga ah & shuruucda anshaxa Saxaafadda madaxa banaan ee dunidu ku dhaqanto, Markuu tixgaliyay muhiimadda Saxaafadda xorta ahi u leedahay gudashada xuquuqda aasaasiga ah ee xoriyadda afkaar dhiibashada (xoriyatul-qawl) ee dastuurku muwaadiniinta u damaanad qaaday, taas oo ay waajib tahay inay ka turjumto horumarinta maslaxadda guud ee umadda. Markuu dhagaystay talooyinka ay soo bandhigeen ururada Saxaafadda wadaniga ah iyo xeel-dheerayaal maddax banaan oo aqoon u leh mihnadda Saxaafadda. Markuu u codeeyay ansixinta xeerka Saxaafadda, fadhigii 18/01/2004 oo ay goob-joog ahaayeen 47 mudane oo ka mid ah xubnaha golaha wakiilada. Wuxuu cod aqlabiyad ah (43 cod) oo gacan tag ah ku ansixiyay xeerka Saxaafadda (Xeer No. 27/2004), halka 2 mudane ka diideen, 1 mudane oo kalena uu ka aamusay, iyadoo aannuu guddoomiyuhuna cod bixin sidii u caadada ahayd.
Sidaa si la mid ah ayaa ay golaha guurtida Soomalilaana ku ansixiyeen cod aqlabiyad (42 cod) oo gacan tag ah iyadoo xildhibaanadii fadhiyay kulankii maalintaas oo ay bishu ahayd 07-02-2004 tiradooda guud ahayd 45 mudane, waxa diiday hal (1 mudane), waxa ka aamusay hal (1 mudane, guddoomiyuhuna aannuu codayn.
Sidoo kale madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa isaguna qodobo dastuuri ah oo uu u cuskaday kadib digreeto madaxweyne oo uu soo saaray 23/05/2004 tii ku ansixiyay xeerka Saxaafadda Soomaalilaan (Xeer No. 27/2004).
Hadaba su’aalaha iswaydiinta mudani waxay yihiin ma xeerkan ayaa ay saluug ka muujinaysaa saxaafaddu? Mise aqoon la’aan ayaa ka haysa oo waxaanay fahamsanayn xuquuqaha iyo waajibaadka ku xusan xeerkan? Sabab se ma jirtaa loogu baahan yahay in xeerkan loo diido ku dhaqankiisa? Mase la diidi karaa xeer goleyaal sharci dejin ansixiyeen sharci ahaan horta? Kama jawaabayo oo hadan is yidhaa ka jawaab waxay ku koobnaanaysaa aragtidayda shakhsi ahaaneed, sida anigu aan uga jawaabaana sidii sharciga ahayd noqon mayso, waan se hubaa inay yihiin su’aalo muhiim ah oo ay doodo wax ku ool ahi kasoo dhex bixi karaan.
Ugu dambayntii haddii aynu soo tibaaxnay doorka saxaafada iyo suxufiga, haddii aynu soo tilmaamnay anshaxa suxufiga wanaagsan, haddii aynu kasoo hadalnay aqoonta iyo waayo-aragnimada suxufiyiinta, haddii aynu soo xiganay xeerka Saxaafadda, bal hadda aan isku dayo in aan si kooban oo qodobaysan u dhigo waa kuma saaqid saxaafaddeed? Saaqid saxaafadeed:
Waa ka aan lahayn aqoontii iyo waayo-aragnimadii mihnada Saxaafadda, haday tahay qaabkii qoraalka, kala soocii warka iyo warbixinta, diyaarintii barnaamijyada iyo dhammaanba waxyaabihii lagama maarmaanka ahaa ee looga baahnaa goobaha warbaahinta. Sidoo kalena waa ka aan aqoon u lahayn xeerarka anshaxa Saxaafadda iyo xeerarka dalka ee lagu hago Saxaafadda. Waa ka aan kala maddax banaanaysiin siday tahay iyo siday isaga la tahay, isla markaana caannimo ku raadiya qaladka iyo macluumaadka been abuurka ee uu dadka u tebinayo. Waa ka xalaashada laaluushka, lacagtana ku adeegga, ciddii uu ka helaayana dhambaalkooda xambaara. Waa ka aan dhexdhexaadka, cadaaladda iyo isku dheeli tirka aqoon ee xaglin laga dareemo. Waa ka laga dhex arko magac, astaan ama sifo kasta oo muujinaysa qabiil. Waa ka ku go’aan qaata dhinac kaliya ee aan isku hawlin dhanka kale. Waa ka aan wax hubsan, xaqiijin, isla markaana baadhin ee bilaa tifaftir kusoo bandhiga. Waa ka qalin ku aarsiga yiqaan, siyaasadda ku milma, qof jeclaysiga iyo eexdana ku tilmaaman. Waa ka aan ka xishoonin wixii xun iyo wax kasta oo ay cay u tiqaano bulshadu. Waa ka aan xushmaynin xuquuqda qofka, toos u abaarka shakhsina yiqaan. Waa ka aan lahayn rabitaan iyo xiise ah inuu noqdo suxufi magac leh. Waa ka aan ilaashan ilo-wareedyadiisa, xayndaabna iskaga xidha xirfadiisa. Waa ku aan quweynin wanaagga, ixtiraamin shuruucda, u hogaansamin diintiisa, ka madhnaatay akhlaaqi, siduu doonana yeela, cidduu diidana caaya, dabadeeto xumaan iyo xuquuq uu qof is u leeyay inta uu ku xadgudbo, hadhow baal cade noqda.
Fiiro gaar ah: Maqaalkani maaha mid aan ku caayayo dhammaan saxaafadda, maaha mid aan ku bar-tilmaansanayo cid gaar ah, laakiin waa mid sida magaciisa ka muuqata aan ku sifaynayo astaamaha kuwa magaca saxaafadda bahdilaya ee u horseedaya magac xumada iyo aamin ka baxa bulshada iyo saxaafadda dhexdeeda.
Wa bilaahi tawfiiq.



W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-cadde
Arday ka tirsan kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Hargeysa
Tell: 063-4470220
Xiinfiniin_10@hotmail.com
Www.Bar-qoraal.blogspot.com

No comments:

Post a Comment