Wednesday, June 10, 2015

Sheeko Gaaban: Aayad wax ku cunna!

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde

Wakhti hore ayaa nin soodaani ah iyo saddex nin oo soomaali ahi kuwada noolaayeen guri ku yaalay dalka Soodaan. Ninka soodaaniga ahi salaadda waxa uu u tukan jiray si xidhiidh ah, wakhtigeedana muu dhaafin jirin, halka nimanka soomaalida ahi marmar un ay tukan jireen, inta badan se aannay salaadba xageeda u kici jirin. Ninka soodaani waxa uu aaminsanaa in uu diinta iyo dadnimadaba kaga wanaagsanyahay  nimankan ay wada joogaan ee soomaalida ah.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay afartii nin
wada dubteen digaagad, oo ileen cadka rag isku raacay waa hunguriye mid waliba doonay in uu qaybtiisa qaato. Hunguri wayni ayaa ay habaar ku qabeen saddexda soomaali ahi markooda horeba balse soodaanigiina ayaa la soo baxay mid ka daran tooda isagoo doonay in uu digaagadan ka badsaddo nimanka kale, wallow aanay suurto gal u noqonayn oo ay si siman isku qayb ugu helayaan haddii ay si fiican oo cadaalad ah u qaybsadaan. Soodaanigii baa meesha soo dhigay in ay digaagadda u kala qaybsadaan soomaali iyo soodaani, oo ku yidhi “waar nimanyahow i dhegeysta horta idinku waxaad tihiin saddexdaa nin ee isku qoloda ah ana ninkaa qoloda gaarka ah ayaan ahay markaa ka warrama haddii aynu laba u kala qaybsano oo idinkuna qayb wada qaadataan dee aniguna ileen nasiib baa i siiyee qaybta soo hadhay aan qaato”. Isagoo moodaya in ay ka yeelayaan fikirkaa uu soo jeediyay ayaa uu midi u hadlay saddexdoodii kuna yidhi “waar waxaasi wax kaa soconaya maaha ee sheeko kale keen”. Yaab iyo amakaag kadib ayaa uu ninkii soodaani isla shawray waxogaa waxaana maskaxdiisa kusoo dhacday oo uu is yidhina nimankan ka mar xagga diinta si kale wax kaga heli mayside, waxaanna uu yidhi “waar haddaan gartay sidii aynu ku kala calaf qaadi lahayn” “haye, bal soo daa imikana maxaad odhan” waxa ugu jawaabay mid ka mid ah soomaalidii. “ ka warama haddii mid kasta oo inaga mid ahi hilibkaa digaagadda ee miiska saaran ku cunno Aayad quraan ah oo la xidhiidha ama ku saabsan hilibka ama cunistiisa, inta aynu ku kala horayno, kii garan waayana uu halkaa ka baxo sidaasna ku qado?” “Haye iyo hawraarsan mar haddaad tidhi Aayad wax ku cunna, laakiin dee ileen adaa qorshaha keenee u dambee adigu” ayaa ay saddexdii nin ugu jawaabeen ninkii. Waayahay ayaa uu isna ku celiyay ee  bilaaba. Waxa la yaab leh ninkan Soodaani ma wada garanayo tafsiirka quraanka, waxaana uu is lahaa ku samirsii Soomaalida oo haka fikiraan Aayad hilib la xidhiidha. 
Durba waxa bilaabmantay cunistii ay shuruudu ku xidhnayd, waxaana sidii balantu ahayd bilaabay nin ka mid ah soomaalidii oo yidhi inta uu digaagaddii qoorta dhuftay “Faku Raqaba”. Kii labaad ee soomaaliga ahaa ayaa isna ku xigay oo inta uu digaagaddii labada garab la booday yidhi “Wal tafati saaqu bi saaq”. Soodaanigii oo halkan indhaha taagaya iyo ninkii soomaaliga ahaa ee hadhay oo isna ka saluugsanba intan soo hadhay ayaa iskugu soo hadhay miiskii, kadibna ninkii saddexaad ee soomaaliga ahaa ayaa sidii ay ku balameen isna bilaabay oo inta uu digaagadda intii dhexda ee soo hadhayba wada qaatay yidhi “Fa akhadnaahu akhdan wabiilaa”.
Soodaanigii ayaa isaga oo aanay wax u hadhayba jirin, cadho kaga kacay miiskii oo yidhi “Subxaan, waar anagaa waalan oo soomaali diintaba waardiye ka ah nidhi Aayad wax ku cunna!.
“Waa Sheeko aanan maskaxdayda ka curin laakiin farshaxankeeda iyo qoraal u rogeeda un aan leeyahay, waxaana iiga sheekeeyay saaxiibkay Cabdiraxiim sadiiq.”
--Dhammaad--










W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde


No comments:

Post a Comment