W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan Dhago-Cadde
Basiye waxa uu ahaa
oday waayeel ah oo noolaa wakhtiyaddii hore, aadna ugu tilmaamnaa doqoniimo,
kolka madasha shirka ay reeruhu ku tashanayaana waxba lama waydiin jirin, xitaa
haddii uu hadlo ciddi dhag jalaq uma siin jirin. Oday Basiye waxa uu inta badan
ku caan baxay hadalada aan micnaha lahayn oo ka dhex saartay saaxiibaddii marka
ay sheekeysanayaan.
Basiye waxa uu qabay
islaan fariid ah oo la odhan jiray Babiya, oo u dhashay Nuur iyo Tiriig oo...